Hyppää sisältöön

Dowladdu waxay go’aamisey u gudbidda degdega ah ee hujuumidda faafitaanka koronaha heerka labaad, dowladdu waxay diyaar u tahay in ay qaadato isticmaalka xaalado aan caadi ahayn

valtioneuvoston viestintäosasto
Julkaisuajankohta 25.2.2021 10.26 | La daabacay 1.3.2021 10.10
Tiedote 113/2021

Dowladdu waxay ku go’aamisay wadatashigii 24 febraayo hujuumida faafitaanka koronaha howlahu lagu adkeynayo iyo siticmaalka heerka labaad.

Badanaaba todobada xeyndaab ee daryeelka caafimaadka agagaarkooda waxaa lagu hagayaa in ay si dhakhso ah u qaataan heerka labaad oo ah adkeynta xadeynta marxaladda faafitaanka. Intaa waxaa dheer oo lago boorinayaa sagaalka goobood ee xaaladda soo kordhida ku jirana loo isticmaalo isla howlahaas oo kale. Dowladdu waxay arrintaa ka bixineysaa go’aan mabda’aysan maanta fadhigeeda guud ahaaneed.  

Dowladda waxaa u diyaarsan xaqiinjinta xaaladaha aan caadiga aheyn ee dalka oo dhan. Iyadoo la waafajinayo xeerka  dustuurka 23§:aad xeerka u degsan xaaladaha aan caadiga aheyn waxaa loo soo jeedinayaa meheradaha nafaqada in la xidho muddo saddex todobaad ah 8. -28 maarso. Xidhitaankaa la soo jeedinayaa ma khuseeyaan goobaha faafitaanka ee heerka aasaasiga ah. 

Hadafyada dhammaan howlahan oo dhan laga leeyahay waxaa la isku dayayaa in lagaga hortago faafitaanka koronaha ee dhakhsaha u soo kordhaya iyo feyraska faraca caam noqoshadiisa.  

Xadeymaha la adkeeyey waxay ka dhaqan galayaan todobada xayndeeb ee daryeelada caafimaadka 

Dhammaan meelaha xaaladaha faafitaanka iyo masuuliyiintooda kala duduwanba waxaa lagu hagayaa in ay si buuxda u qaataan dhammaan faafitaanka koronaha xaaladaha faafitaanka howlahooda, kuwaas oo ay ku jiraan amarada cusub ee sharciga cudurada faafa:

  • Shaqo durugsan oo ballaadhan- iyo boorinta af iyo san daboolka 
  • Ilaalinta kooxaha xanuunada u nugul
  • Waxbarashada heerka sare oo si durugsan loo sameeyo (guryaha lagu dhigto)
  • Meelaha bulshada ka dhexeeya isticmaalkooda oo la xadeeyo amaba la xidho (kuu boorinta iyo go’aamada)
  • Howlaha hiwaaydo kooxeedyada dadka waaweyn oo la joojiyo (kuu boorinta iyo go’aamada)
  • Gaadiidka shaqsiyaadka ee suurtogalka ah cadadka rakaabka raacaya oo la xadeeyo 

Kuwii awalba horey howlahan u adeegsanayey waxaa u dheer in la sii xadeeyo, qorshaha howlgalka dowladda heerkeeda labaad sida uu dhigayo howlaha dheeraadka ah waxaa lagu hagayaa in ay isticmaalkooda qaataan aagagan soo socdaa:

  • Helsinki iyo Uusimaa 
  • Varsinais-Suomi
  • Satakunta
  • Kanta-Häme
  • Vaasa
  • Ahvenanmaa 
  • Lappi

Howlaha dheeraadka ahi waa sidan:

  • In la xadeeyo 6 qof ka badani in ay isku yimaadaan 
  • In la iska ilaaliyo munaasabadaha madaxa banaan wixii 6 qof ka badan 
  • Degmooyinka iyo ururada degmooyinku in ay xoojiyaan howlahooda karantiinka iyo xadeynta lana socdaan hirgelidooda 

Isla howlahaas iyo kordhinta howlahaasba waxaa lagu boorinayaa iney qaataan isticmaalkooda sidoo kale goobahan xaaladoodu soo kordheyso ee sagaalka goobood ama aag ah Samat toimet ja lisätoimet suositellaan käyttöön otettavaksi myös seuraaville kiihtymisvaiheessa oleville yhdeksälle alueelle:

  • Itä-Savo/ Bariga- Savo
  • Etelä-Karjala/ Koonfurta- Karjala
  • Pirkanmaa
  • Keski-Suomi
  • Päijät-Häme
  • Länsi-Pohja/ Galbeedka- Pohja
  • Pohjois-Pohjanmaa/ Woqooyiga- Pohjanmaa
  • Etelä-Pohjanmaa/ Koonfurta- Pohjanmaa
  • Kymenlaakso

Xaaladaha aan caadiga aheyn iyo maqaaxiyaha xidhitaankooda 8.–28. maarso.

Dowladda waxaa u diyaarsan xaqiinjinta xaaladaha aan caadiga aheyn ee dalka oo dhan. Raysal wasaaruhu waxay kala xaajootey hirgelinta xaaladan aan caadiga aheyn madaxweynaha dalka. Kooxaha baarlamaanku waxay isugu imanayaan xaaladdan sidii ay uga wad hadli lahaayeen goor dambe khamiista. Dowladda waxaa u diyaarsan iny go’aamiso u gudbidda xaaladaha aan caadiga aheyn todobaadka soo socda. 

Meheradaha nafaqooyinka waxaa loo soo jeedinayaa xaaladaha aan caadiga aheyn in ay xidhan yihiin 8.–28. maarso, marka laga reebo aagaga heerka aasaasiga ah. Cuntada banaanka lagu iibinayo koleyba macaamiisha waa loo ogol yahay.

Intaa waxaa dheer 8. maarso laga bilaabo iyadoo ay qeybka tahay heerka labaad howlaha dheeraadka ah, faafitaanka- iyo marxaladaha soo korodhkaba aagaga ka tirsan dugsiyadooda dhexe in lagu hago inay u gudbaan waxbarashada durugsanmuddo ku meel gaadh ah. Hiwaayado kooxeedyada da’ada ka wey 12- jirka waa la joojin karaa. 


Warbixin dheeraad ah: reysal wasaaraha xoghayntiisa dowliga Henrik Haapajärvi, [email protected] sidoo kale madaxa xafiiska Kirsi Varhila iyo maamulka Pasi Pohjola, wasaaradda caafimaadka- iyo arrimaha bulshada osiaali- ja terveysministeriö, [email protected] 

Marxaladaha faafitaanka feyraska koronaha iyo heerka howlaha hujuumidda | valtioneuvosto.fi
 

hallitus
Sivun alkuun