Hyppää sisältöön

Xadidaadda dhaqdhaqaaqa (bandow) ee lagu soo rogay gobolka Uusimaa waxaa uu dhaqangalay 28. maaliskuuta 2020 saacadda 00.00

sisäministeriövaltioneuvoston viestintäosasto
Julkaisuajankohta 28.3.2020 0.04 | La daabacay 16.4.2020 13.29
Tiedote 192/2020

Dowladdu waxaa ay taariikhdu markii ay ahayd 27 Maarso 2020 u gudbisay baarlamaanka laba xeer si ay u falanqeeyaan, kuwaasoo la doonayo in ku dhaqankooda la waafajiyo xukunkii degdegga ahaa ee dalka lagu soo rogay, ee ku saabsanaa in aan laga bixi karin lana soo geli karin gobolkaan Uusimaa. Xadidaadda dhaqdhaqaaqa ama isu socodka ee gobolkaan iyo gobollada kale waxaa uu dhaqangalayaa 28. maarso , saacadda 00.00, waxaana uu socon doonaa illaa 19. abril 2020.

Markii bandowgu uu dhaqangalo, dadweynaha ku nool gobolka Uusimaa-ga waa in aysan ka bixin gobolka. Sidoo kale dadweynaha ku nool gobollada kale ma soo geli karaan gobolkaan Uusimaa-ga. Si kastaba waxaa qof walbaa uu xaq u leeyahay in uu ku laabto gurigiisa ama magaalada uu deggan yahay. Safarrada waqti soo qaadashada ahna lama oggola.

Socodka gaadiidka shixnadaha wada lama celinaayo inta lagu guda jiro mudada xadidaaddaan cusub. Sidoo kale xadidaaddaan cusub ma khusayso isu socodka gobolkaan Uusimaa-ga gudihiisa ah.

Xadidaadda dhaqdhaqaaqa ee dadka lagu soo rogay ma khusayso, haddii dhaqdhaqaaqa ama socodka uu qofku samaynayo uu yahay mid lagammamaarmaan ah

1) shaqaalaha dowladda;

2) shaqooyinka, meheradaha iyo xilalka shacabka loo hayo

3) adeegyada gurmadka qaranka ama fulinta waajibaadka kale ee sharciga ku salaysan

4) baahida daryeel ee uu u baahan yahay qof ehelka ah, sidoo kale dhimasho ama khatar dhimasho oo soo gaartay qof ehelka ah awgeed, hirgelinta xuquuqda ilmaha waalidkood la kulmaaya ama sabab kale oo shakhsiyadeed oo aad u weyn awgeed.

Booliska ayaa ilaalin doona u hoggaansanka xaddiddaadaan dhaqdhaqaaqa ama bandowga. Qofka waxaa ku waajib ah marka uu boolisku ka codsado, in uu u caddeeyo sababta uu u socdo, halka uu ku socdo iyo ujeedadiisaba.

Faahfaainta dheeraadka ah iyo tilmaanbixinta la xiriirta xadidaadda dhaqdhaqaaqa (bandowga)

Su’aalaha ugu badan ee wax laga soo weydiiyay arrimaha ku saabsan xadidaadda dhaqdhaqaaqa ama bandowga (wasaaradda arrimaha gudaha)

https://intermin.fi/ajankohtaista/korona/ukk-liikkumisrajoituksista

Yaa ka gudbi kara xadka gobolka Uusimaa? Su’aalaha ugu badan ee wax laga soo weydiiyay arrimaha ku saabsan xadidaadda dhaqdhaqaaqa ama bandowga (poliisi.fi)

https://www.poliisi.fi/koronaan_varautuminen/liikkumisrajoitukset

Adeegga talosiinta booliska ee heerka qaran waxaad ka heleysaa telefoonka lambarkiisu yahay 0295 419 800 (qiimaha caadiga ah/qiimaha wicista telefoonka gacanta) maalmaha shaqada, inta u dhexeysa saacadda 8.00–16.15.

Faahfaahin dheeraad ah:

Xoghaynta golaha dowladda: xoghaye hoosaad Timo Lankinen, p. 0295 160 300, xoghaynata golaha dowladda iyo agaasime sare Tero Kurenmaa p. 0295 488 340, wasaaradda arrimaha gudaha