Hyppää sisältöön

Xadidaadda dhaqdhaqaaqa (bandow) ee lagu soo rogay gobolka Uusimaa-- Dowladdu waxaa ay go’aan ku gaartay tallaabooyin dheeraad ah oo looga hortagaayo faafitaanka feyruska koroonaha.

liikenne- ja viestintäministeriösisäministeriövaltioneuvoston viestintäosasto
Julkaisuajankohta 25.3.2020 22.07 | La daabacay 9.4.2020 19.06
Tiedote
liikkumisrajoitukset

Dowladdu waxaa ay go’aan ku gaartay 25 Maarso 2020, in ay xadidaad ama bandow ay ku soo rogto isu socodka gobolka Uusimaa-ga iyo gobollada kale ee dalka, laga bilaabo 27.Maarso 2020. Xadidaaddaas ama bandowgu waxaa uu socon doonaa illaa iyo 19. April 2020. Ujeedada laga leeyahay xadidaaddaan ama bandowgaan cusub waa sidii looga hortagi lahaa faafitaanka feyruska koroona, islamarkaana loo yarayn lahaa faafitaanka cudurkan safmarka ah ee ka imaanaaya gobolkaan Uusimaa-ga, si uusan ugu gudbin gobollada kale ee dalka. Dowladdu waxaa qoraalka xadidaadda dhaqdhaqaaqa ama bandowga ee ku saabsan dhaqangelinta xukunka degdegga ah ay hordhigi doontaa xubnaha baarlamaanka si ay arrinkaas u falanqeeyaan 25.Maarso.

Markii bandowgu uu dhaqangalo, dadweynaha ku nool gobolka Uusimaa-ga waa in aysan ka bixin gobolka. Sidoo kale dadweynaha ku nool gobollada kale ma soo geli karaan gobolkaan Uusimaa-ga. Si kastaba waxaa qof walbaa uu xaq u leeyahay in uu ku laabto gurigiisa ama magaalada uu deggan yahay. Safarrada waqti soo qaadashada ah lama oggola. Socodka gaadiidka shixnadaha wada lama celinaayo inta lagu guda jiro mudada xadidaaddaan cusub. Sidoo kale xadidaaddaan cusub ma khusayso isu socodka gobolkaan Uusimaa-ga gudihiisa ah.

Socodka waxaa loo oggol yahay shaqaalaha dowladda, dadka haya shaqooyinka kale ee caadiga ah, meheradaha iyo xilalka shacabka. Sidoo kale xadidaadada socodka ama bandowga ma khusaynayso haddii ay jirto sabab shakhsi ahaaneed oo aad u culus, sida hirgelinta xuquuqda ilmaha ee ah in ay waalidkood la kulmaan, ama qof ehelka ah oo dhintay. Booliska ayaa ilaalin doona u hoggaansanka bandowgaan. Haddii qofku uu jabiyo xadidaadda dhaqdhaqaaqa ama bandowgaan, ama uu u hoggaansami waayo, boolisku waxaa ay siin karaan ganaax. Qofka waxaa ku waajib ah in marka boolisku ay weydiiyaan uu u sheego caddaynta ku saabsan sababta uu u socdo  ama ujeedada socodkiisa.

Warbixinta dheeraadka ah ee ku saabsan xadidaadda socodka ama bandowga iyo saamaynta uu ku yeelanaayo nidaamka hawlaha socda, waa in lagu qaybiyo maxaddooyinka iyo xarumaha basaska, tareennada, metrooga iyo taraamyada, iyo sidoo kale xarumaha gaadiidka muhiimka ah ee gobolkaan Uusimaa-ga looga soo shaqo tago ama gobolkan Uusimaa looga shaqo tago.

Lisätietoja:

Xoghaynta golaha dowladda: xoghaye hoosaad Timo Lankinen, p. 0295 160 300

Wasaaradda arrimaha gudaha: agaasime sare Tero Kurenmaa p. 0295 488 340 ja madaxa xafiiska Kirsi Pimiä ([email protected])

Maamulka booliska:  adeegga warbaahinta, p. 050 3999 039 (xilliyada-shaqada), [email protected]

Hay’adda gaadiidka iyo isgaarsiinta Tratficom: agaasime sare Jarkko Saarimäki, p. 040 836 0397

Sivun alkuun