Hyppää sisältöön

Golaha dowladda waxaa ay ansixiyeen warbixinta ku saabsan, horumarinta sinnaanta, caddaaladda iyo takooris la’aanta

valtioneuvoston viestintäosasto
Julkaisuajankohta 31.8.2023 13.37 | La daabacay 15.9.2023 11.07
Tiedote

Golaha dowladda waxaa ay ansixiyeen 31-kii agoosto warbixin loo gudbinaayo baarlamaanka, taasoo ku saabsan horumarinta sinnaanta, caddaaladda iyo takooris la’aanta ee bulshada Finland dhexdeeda.

”Dowladda waxaa ka go’an in ay si ballaaran xil isaga saarto horumarinta sinnaanta iyo xilliga doorashada oo dhan. Cunsuriyaddu wax boos ah kuma lahan dalkaan Finland. Hoggaamiyayaasha siyaasadda waa in ay tusaale u noqdaan dhismaha bulsho nabadeed oo leh sinnaan iyo caddaalad”, sidaas waxaa yiri ra’iisulwasaaraha dalka Petteri Orpo oo shaaca ka qaaday warbixintaan.

Warbixintaan ayaa ah mid ku salaysan barnaamijka xukuuumadda iyo shaqadii dowladihii hore. Kooxda shaqada ee warbixintan soo diyaariyay waxaa ay howsha arrinkaan la xiriirta ka dhegeysteen wakiillada illaa 100 urur oo kala duwan. Howlaha waxqabad ee warbixintaan lagu sharraxaayo, waxaa lagu sii xoojin doonaa barnaamijyo waxqabad oo kala duwan.

”Finland taariikh ahaan waxaa ay horseed u ahayd bulsho ku salaysan sinnaan iyo caddaalad, dal sharci leh, iyo hagaajinta xaaladaha bani’aadminnimo ee shakhsiga. (- - ) Sida uu dhigaayo dastuurka dalkana dadku waa ay u siman yihiin sharciga”, sidaas ayaa warbixinta lagu sheegay. 

Iyadoo lagu saleynaayo warbixinihii la dhegeystay, sharciga Finland guud ahaan waa mid wanaagsan. Si kastaba bulshada Finland waxaa weli dhexdeeda ka jira aragtiyo iyo qaabab takooris ah, tusaale ahaan suuqyada shaqada iyo waxbarashada, kuwaasooo ay tahay in wax laga beddelo. 

Waxaa warbixinta lagu sheegay sidan soo socota: ”Dhaliilaha ama wax ka qabasho la’aanta ka jirta hirgelinta sinnaanta iyo caddaaladda, waxaa ay intooda badan ku salaysan yihiin, in aanay jirin ilaalin iyo hirgelin ku filan oo dhanka sharciga ah. Howlaha waxqabad ee dowladda waxaa xoogga lagu saari doonaa, tallaabooyinka si dhab ahaan ah loogu horumarinaayo hirgelinta sinnaanta iyo caddaaladda. Si kastaba caadi ahaan waxaa weli dhanka sharciga ka taagan baahiyo horumarineed oo gaar ah”.

Tallaabooyin dhowr ah oo ku saabsan horumarinta sinnaanta iyo caddaaladda iyo ka hortagga cunsuriyadda

Warbixintaan waxaa lagu xusay dhowr tallaabo oo ku wajahan horumarinta sinnaanta iyo caddaaladda iyo ka hortagga cunsuriyadda. Howlo badan oo kuwaas ka mid ah waa kuwo ku salaysan barnaamijka dowladda, laakiin waxaa weheliya howlo cusub. Waxaana dowladdu ay howlahaasi ku wajahaysaa ilo dhaqaale oo qayb ka ah miisaaniyaddeeda, si loogu horumariyo howlahaas u baahan wax ka qabashada.

Sannad walba waxaa la qabtaa doodo ku saasban horumarinta sinnaanta, caddaaladda iyo takooris la’aanta, kuwaasoo uu hoggaaminaayo ra’iisulwasaaraha dalka. Xafiiska ra’iisulwasaaraha ayaa la isugu keeni doonaa dhammaanba wixii khibrado ah ee la xiriira ka hortagga cunsuriyadda, waxaana la bilaabi doonaa olole looga soo horjeedo cunsuriyadda, kaasoo ay ku wehliyaan ururrada bulshada, isboortiga, dhaqanka iyo suuqyada shaqada.

Waxaa la xoojin doonaa shaqada gudiga la talinta xiriirka qowmiyadaha iyo wadahadallada lala yeelanaayo ururrada bulshada. Sidoo kale waxaa la horumarin doonaa shaqada booliska ee ka hortagga dhibaatooyinka iyo tan horumarinta nololwanaagga dhallinyarada iyo ka hortagga dambiyada (ankkuritoimnínta). 

Dowladdu waxaa ay sidoo kale bilaabi doontaa barnaamij ballaaran oo ku wajahan dhammaan nidaamka tacliinta, kaasoo ku saabsan horumarinta sinnaanta iyo caddaaladda. Waxaa la kordhin doonaaa ka qaybqaadashada barbaarinta hore ama xannaanada ee carruurta asalkoodu ka soo jeedo dadka waddanka u soo guuray, waxaana la xaddidi doonaa cadadka maalgelineed ee loo isticmaali doono barbaarinta hore iyo waxbarashada aasaasiga ah, kaasoo noqon doona mid ku salaysan sinnaan iyo caddaalad.

Warbixintu waxaa ay xoogga saaraysaa sida uu barnaamijka dowaladdu yahayba, in barnaamijka la qabsiga waddanka uu noqdo dhanka shaqada. Waxaa la horumarin doonaa takooris la’aanta dhanka nolosha shaqada, iyadoo arrinkaan lagala shaqayn doono ururrada suuqyada shaqada: Tusaale ahaan waxaa adeegyada shirkadaha lagu soo dari doonaa adeegyo loogaga hortagaayo takoorista dhanka shaqaalaynta. Waxaa la horumarin doonaa sidii dumarka asalkoodu ka soo jeedo dadka waddanka u soo guuray loogu wareejin lahaa dhanka suuqyada shaqada, waxaa sidoo kale la hagaajin doonaa fursadaha ay ururradu ku caawin karaan shaqaalaha la kulmay takoorista iyo cunsuriyadda, iyadoo arrinkaas looga faa’iidaysanaayo tusaale ahaan dhanka tababarka xirfadlayaasha.

Dhinaca sharciga waxaa la adkayn doonaa ciqaabaha qeexaaya arrinka ku saabsan ka faa’iideysiga ama si xun ula dhaqanka shaqaalaha, sidoo kale waxaa la xoojin doonaa ilaalinta arrinkaas. Waxaa laga hortagayaa falalka nacaybka ah ee ku wajahan yuhuudda, muslimiinta, kirishtaanka iyo kooxaha kale ee diimaha kala duwan, diidmada gummaadkii loo geystay yuhuudda (Holokausti) waxaa laga dhigayaa dambi. Sidoo kale waxaa la caddayn doonaa suurtagalnimada ah in isticmaalka calaamadaha naaziga iyo shuuciga dambi laga dhigo, marka iyaga loo adeegsado kor u qaadidda fikradahaas. 

Golaha dowladdu waxaa ay sidoo kale xoojin doonaan barnaamijyada iyaga u gaarka ah ee ku wajahan horumarinta sinnaanta, caddaaladda iyo takooris la’aanta. Dhanka arrimaha heerka caalamiga ah iyo kuwa midowga yurub, dowladda Finland waxaa ay sii wadi doontaa mabda’eeda siyaasadda xuquuqda bani’aadamka ee dheer ee ku wajahan dhanka haweenka, gabdhaha, dadka leh baahiyaha gaarka ah (naafada ah), bulshada asalka ah iyo kuwa laga tiro badan yahay xagga dhalashada iyo jinsiga, horumarinta xuquuqaha iyo difaacidda dadka tabarta daran ee aan is difaaci karin. 

Golaha dowladdu waxaa uu warbixintaan u gudbiyay baarlamaanka, iyadoo lagu falanqayn doono kalfadhiga xilliga deyrta ee bilaaban doona toddobaadka soo socda.

Macluumaad dheraad ah: Gudoomiyaha kooxda shaqada, xoghayaha dowladda Risto Artjoki, tel. 09 1602 2006, iyo madaxa waaxda qorsheynta siyaasadda bulshada Jouni Varanka, tel 0295 160 177, xafiiska golaha dowladda

Warbixinta golaha dowladda ee ku saabsan horumarinta sinnaanta, caddaaladda iyo takooris la’aanta ee bulshada Finland dhexdeeda