Hyppää sisältöön

Dowladdu waxay go’aan ku gaadhay in la joojiyo xadayntii dhaqdhaqaaqa ee Uusimaa

sisäministeriövaltioneuvoston viestintäosasto
Julkaisuajankohta 15.4.2020 10.05 | La daabacay 22.4.2020 12.41
Tiedote 244

Shalay oo ahayd salaaso 14. bishii abril wadatashigii ay lahaayeen dowladu waxay go’aan ku gaadhay in isla markaaba la joojiyo xadayntii dhaqdhaqaaqa ee Uusimaa. Maanta oo ay bishu tahay 15. bisha abril 13 duhurnimo shirka guud ee guddiga dowladda ee bilaabmaya ayay ku dhawaaqaysaa dowladdu go’aanka ay ka gaadheen joojinta xadaynta dhaqdhaqaaaqa. Joojinta xadaynto isla wakhtiga uu shirku dhamaado ayaa la hirgalinayaa.

Looma arko inay jiraan sharciyo lagu sii wadi karo joojinta dhaqdhaqaaqa ee muddada cayiman ah. Sharciga diyaargarowga qodobkiisa 118 waxa la isticmaali karaa oo kaliyaata haddii ay laga maarmaan tahay.

Dowladdu go’aanka ay ku gaadhay joojinta xadaynta waxa ay ku sallaynaysaa wasaaradda sooshalka iyo caafimaadka iyo Xarunta Caafimaadka iyo Nololwanaagga (THL) qiimaynta ay sameeyeen ee ku saabsan xaalada ebidemiyada feyruska koronaha.

Markii xadaynta dhaqdhaqaaqa lagu hirgaliyay Uusimaa 28. bishii maarso waxa sababay in faafitaanka cudurka koronadu uu waddanka kale kaga badnaa Uusimaa. Wakhti xaadirkan wali waxa cad in cudurku uu ugu badanyahay Uusimaa, balse farqiga Uusimaa iyo waddanka intiisa kale u dhaxaysa wuu ka yaryahay sidii hore.

Sidoo kale waxa cad in faafitaanka cudurka degmooyinku ay u kala badanyihiin, laakiin aanay saamayn ku lahayn xuduudaha degmooyinku arrinkas. Degmooyinka qaarkood isbuucyadii la soo dhaafay waxa muuqatay in faafitaanka cudurku uu lamid ahaa amaba uu ka badnaa Helsinki iyo Uusimaa nawaaxigooda daryeelka caafimaadka.

Si kastaba dowladdu waxa ay ku talinaysaa in layska ilaaliyo socdaalka anan muhiimka ahayn sida socdaalka wakhtiga firaaqada ah ee waddanka gudihiisa xataa ah. Sidoo kale xadaymihii hore iyo talooyinkii iyo amaradii loo soo dajjiyay in lagu ilaaliyo shacabka oo lagaga hortago sii faafidda cudurka waa in sidii hore loo sii wadaa oo loo qaataa.

Macluumaad dheeri ah: sekreteriga dowladda hoose Timo Lankinen, t. 0295 160 300, xafiiska guddiga dowladda iyo maamulaha sare Tero Kurenmaa, t. 0295 488 340, wasaaradda arrimaha gudaha

Anna-Maja Henriksson Maria Ohisalo Sanna Marin
Sivun alkuun